Other Somali Sites | Find a committee | Send this link to a friend | Contact us | FAQs | Photo Gallery | Sitemap
Laas Qoray
 

Horn Relief Banner

Nairobi:- Sababo la xiriira dhinaca farsamada awgood oo ay Mashruuca Dibu dhiska Dekeda Laasqoray soo wajahdey awgeed ayaa Hay?ada OXFAM NOVIB oo ahayd hay?ada uga weyneyd ee maal gelineysey mashruuca dibu dhiska dekeda Laasqoray ayaa go?aansatey iney jarto ama yareyso dhaqaalihii ay ugu talo gashey mashruuca.

Waxay Oxfam Novib cudur daarkeeda ugu weyni noqdey in la waayo dhaqaalihii soo xeroon jirey iyo waqtiga dibu dhiska dekeda oo dheeraadey taasina ay sababtey joogsiga ama waayitaanka la waayey dhaqaalihii kale ee dheeraadka ahaa ee soo xeroon jirey.

Lacagta ama kharashka loogu talo galey masiibooyinki Tsunami-ga waxa uu lahaa waqti xadidan, taas oo macneheedu yahay iyadoo weliba Oxfam Novib ay weli taageereyso Mashuuraca Laasqoray, ayaa waxaa noqotey in dhaqaalaha loogu talo galey dekeda uu yaraado. Hase yeeshee Horn Relief waxaa go?aan ka ah iney sii wado hawlaha dibu dhiska dekeda Laasqoray iyadoo hay?adu ay sii wadeyso hawlaha wacyi gelinta si looga dhabeeyo dibu dhiska dekeda Laasqoray.

Waxaa hay?ad ahaan go?aan naga ah inaanu sii wadno mashruucan anagoo isticmaaleyna waxkasta oo awoodeena ah taasi haba keentee in Horn Relief ay bilowdo dekeda ka yar isla markaana lasii kordhinayo ama lasii weyneynayo hadba goortii lacag laga helayo.

Hay?ad ahaan waxaanu lasii shaqeyneynaa Jaaliyadaha si hore aanu dhamaanteen u wada dhaqaaqno isla markaana aanu ka dul talaabsaneyno caqabad kasta oo nagu timaada anagoo sii weydeyno hawlaha dhaqaale ururinta, sidoo kale waxaanu dareensanahey in nabad gelyada Gobolada Sanaag iyo Sool ay tahay mid daruuri ah in la xoojiyo si markaas ay deeq bixiyaashu ay ugu dhiiradaan iney mashruucan oo kale hirgeliyaan.

Waxaanu aad ugu diirsaney oo aanu ugu faraxney hawlaha ay qabteen Bulshada gudaha iyo kuwa qurbo joogta ah gaar ahaan General Abdulahi Axmed Jamac[Ilka Jiir], Xasan Maxamed Salax[Somali] oo UK ka yimi iyo Cali Maxamed Xirsi oo Australia ka yimi. Iyadoo furaha guusha ee dibu dhiska dekeda Laasqoray ay tahay nabad gelyada, xiriirka, iyo ka hortaga iska hor imaadka wacyi gelinta bulshadu waanu wadi oo wey sii socon.

Taasi macneheedu waxa weeye in aanu sii wadi oo dhameystiri sameynta maamulka dekeda Laasqoray isla markaana diirada la saari doono kobicinta awooda iyo in kor loo qaado fahanka ah in Bulshadhu ay leedahey dekeda Laasqoray.



Laasqoray baa u baahan taakulo amase caawinaad

Ku soo dhawow goobta shabakadda ee  dekedda Laasqoray  mashruuca dib u dhisidda.

Mashruucan oo la soo unkaayey horumarintiisa  muddo iminka ka badan shan iyo toban sano ayaa iminka noqday xaqiiqo run ah oo manfac u yeelanaaya bulshada degan Waqooyiga xeebta Soomaaliya.

“View south-west along beach at Las Qoray of proposed location of jetty.”

Goobtan shebakada waxaa ku jira xog  la xiriirta mashruuca dib loogu dhisaayo dekeda Laasqoray, hawl wadaagta mashruuca ee muhiimka ah, bulshadda manfaca ka heli doonta, iyo sida aad u awoodi kartid in aad balanqaad shakhsi ah oo aad ku  taakulaynaysid dib u dhiska dekedda bulshada  saboolowdey ee ku nool xeebta.                      

 Fadlan waa in aad akhridid wixii la xiriira mashruucan iyo hay’adda fulinaysa ee Horn Relief oo ah  Hay’ad hormoodkeedu afrikaa yahay oo caalami ah oo ka shaqaysay Soomaaliya una dooday fuliseyna mashaariic horumarineed wadanka gudihiisa mudo ka badan Shan iyo toban sano.  

Gutting tuna fish on the beach

read more...


 
Are you registered to receive information about the Laas Qoray Port project?

Please log in below

Not a member? Register with us

Forgot your password?